Home » Maxaa Cusub » Holland Oo Magacowday 23-ka Xidig Ee Kaga Qeyb Galaya Koobka Aduunka, Yaa Ku Jira Yaase Ka Maqan?

Holland Oo Magacowday 23-ka Xidig Ee Kaga Qeyb Galaya Koobka Aduunka, Yaa Ku Jira Yaase Ka Maqan?


Netherlands announce 23-man World Cup squad

Macalin Louis Van Gaal ayaa qaatay go’aankii ugu dambeeyay isagoo soo magacaabay 23-ka xidig ee kaga qeyb galaya koobka Aduunka ee bisha soo aadan ka dhici doona Brazil.

Magacyo waaweyn ayaa kasoo muuqan doona Xulka Holland waana xidigihii kaalinta labaad ka galay koobkii Aduunka ee 2010 lagu martigaliyay South Africa iyo sidoo kale wiilashii wajigabaxa kala soo kulmay Euro 2012 markii ay ku hareen wareega groupyada.

Arjen Robben, Van Persie, Sneijder, De Jong & Huntelaar ayaana ka mid ah wajiyadaas.

Rafael Van Der Vaart ayaa nasiib u yeelan waayay inuu ka qeyb qaato koobkiisii aduunka ee sadexaad kadib markii dhaawac looga reebay xulka.

Sidoo kale Patrick van Aanholt  iyo xidiga Man City Karim Rekik ayaa gabi ahaanba laga reebay xulka.

Liiska oo dhameystiran:

Goolhayayaasha: Jasper Cillessen (Ajax), Michel Vorm (Swansea City), Tim Krul (Newcastle United)

Daafacyada: Paul Verhaegh (Augsburg), Daryl Janmaat (Feyenoord), Joel Veltman (Ajax), Stefan de Vrij (Feyenoord), Ron Vlaar (Aston Villa), Bruno Martins Indi (Feyenoord), Terence Kongolo (Feyenoord), Daley Blind (Ajax)

Khadka Dhexe: Leroy Fer (Norwich City), Nigel de Jong (AC Milan), Jordy Clasie (Feyenoord), Jonathan de Guzman (Swansea City), Georginio Wijnaldum (PSV), Wesley Sneijder (Galatasaray)

Weeraryahanada: Arjen Robben (Bayern Munich), Robin van Persie (Manchester United), Klaas-Jan Huntelaar (Schalke), Dirk Kuyt (Fenerbahce), Jeremain Lens (Dynamo Kiev), Memphis Depay (PSV)

 

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close