Inkastoo kooxda Roma xagaagan xidigo tayo wanaagsan ay lasoo saxiixatay sidoo kalena macalin Antonio Conte uu kooxda Juentus isaga tagay waxay saxaafada dalka Talyaaniga hadal heysaa in naadiga ka dhisan caasimada dalka Talyaaniga ay ku guuleesan doonto horyaalka heerka koowaad balse mashiinka Roma khadka dhexe uga cayaaro Daniele De Rossi ayaa iska diiday in kooxdiisa cadaadis dheeraad ah la saaro wuxuuna ka dhawaajiyay in Roma ay la mid tahay kooxaha kale sidoo kalena weli aysan sameynin wax farta loogu muuqo kaligeed wuxuuna yiri
“Waa run xili cayaareedkan Roma waxay hadaf ka dhigan doontaa hanashada Scudetto balse ma nihin koox ka awood badan naadiyada kale sidoo kalena walaac xoogan ayaan dareemayaa madaama saxaafada si gaar Roma u buun buunineyso sanadkan!”
Roma xili cayaareedkii hore 2013/14 waxay ku bilaawday dar dar xoogan madaama 17-kulan ee ugu horseesay laga badin waayay balse ugu dambeyntii horyaalka Talyaaniga kooxda Juventus ayaa hanatay sidaa darteed De Rossi ayaan rabin in markale kooxdiisa ay saxaafada qalado wuxuuna yiri
“waan ka xumahay hoos u dhicii sanadkii hore nagu habsaday waxaana ugu wacnaa cadaadiska ay saxaafada na saartay balse sanadkan midaas naguma dhici doonto waxaana diyaar u nahay inaan horyaalka xooga saarno sidoo kalena aan indhaha ka qabsano cadaadiska saxaafada nooga imaan karo”
Ugu dambeyntii De Rossi ayaa sheegay in horyaalka uu haatan isku dheeli tiran yahay marba hadii uu tababare Conte kooxda Juve isaga tagay wuxuuna laacibkan ka dhawaajiyay in hanashada Serie A-da uu haatan koox walbo u furan yahay.