Home » Maxaa Cusub » De Gea, Rooney & Wilson Oo Ku Kala Guuleystay Abaalmarinta Sanadlaha Ee Manchester United

De Gea, Rooney & Wilson Oo Ku Kala Guuleystay Abaalmarinta Sanadlaha Ee Manchester United


De Gea

Sida sanad walba dhacda Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa doorta ama qeyb ka qaata bixinta abaalmarino kala duwan oo lagu qiimeeyo xidigaha kooxda sanadka idlaaday, waxaana xidiga ugu wanaagsan kooxda loo aqonsaday David De Gea.

Dhamaan Jamaahiirta Kooxda ayaa codkooda ugu shubay De Gea sidoo kale xidigaha kooxda ayuu codad ka helay isagoo noqday xidiga sanadka Manchester United xili ciyaaredka 2013/2014.

Sidoo kale Wayne Rooney ayaa la siiyay abaalmarinta goolka ugu quruxda badan xili ciyaareedkaan isagoo ku muteystay goolkii Volley-ga ahaa oo uu ka dhaliyay West Ham.

James Wilson ayaa isna loo doortay xidiga ugu wanaagsan dhalinyarada soo koreysa kooxda Manchester United kadib markii uu waxqabad aan caadi aheen ka sameeyay kooxda United ee dhalinyarada sidoo kalana wuxuu dhaliyay 2-gool, kulankiisii ugu horeeyay Man United.

Dhanka kale Ryan Giggs ayaa ka hadlay goobta xaflada isagoo shaaca ka qaaday inuusan xiligaan ka hadlin karin mustaqbalkiisa isla markaana uu ku mashquulsan yahay inuu wiilashiisa u diyaariyo kulanka Southampton.

“Runtii lixdii sano ee lasoo dhaafay maalin walba waxaan is dhahahay berito ayaad fariisaneysaa, balse ilaa haatan waan jeclahay inaan ciyaaro, fursad aan ku fakaro ma heysto, balse kadib kulanka Southampton ayaan ka fakari doonaa mustaqbalkeyga”

Ugu dambeyntiina Juan Mata ayaa kol hore loo magacaabay xidiga bisha April ee kooxda Man United wuxuuna u hambalyeeyay saaxiibkiisa reer Spain David De Gea.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close