Home » Falanqeynta » David Moyes: Adnan Januzaj Wuxu Noqon Doonaa Sida Rooney Dhanka Darbooyinka Kulul

David Moyes: Adnan Januzaj Wuxu Noqon Doonaa Sida Rooney Dhanka Darbooyinka Kulul


Roone

Macalin David Moyes ayaa isbarbardhig ku sameeyay AdnanJanuzaj iyo Xidiga Wayne Rooney yaraantiisii wuxuna Januzaj ku booriyay inuu qandaras cusub u saxiixo naadiga.

Januzaj ayaa ahaa dhaliyihii labada goal ee Sunderland ay qasaaraha kala kulantay Man United markii Stadium of Light ay isku arkeen xili uu darbooyin kulul dhexdhigay shabaqa Sunderland.

Moyes ayaa yiri: “Marka aad eegto qaabka Januzaj waa Rooney0-ga cusub ee Man United”

“Yaraantii Rooney wuxuu ahaa mid dadaal badan oo darbooyin kulul leh waana sidiisii”

Xidigaan heerka caalami ayaalagu qalqaalinayaa inuu qandaraas cusub u saxiixo Man united si ay usii ceshato 18-jirkaan mustaqbalka wanaagsan laga filayo.

Dhanka Kale Januzaj ayaa galaya tartan dhanka qaramada ah madamay ay isku heystaan 5-dal

England: Wuu dagan yahay wuxuuna noqon doonaa 5-sabo kadib muwaadin England ah.

KOSOVO: Awoowgiis ayaa kasoo jeeda inkastoo Kosovo aysan FIFA ka diiwan gashneyn.

BELGIUM: Wuu ku dhashay Belgium wuxuuna ku noolaa mudo badan tan iyo Intii uu Man United kusoo biiray.

ALBANIA: Dhalashadii ayaa kasoo jeeda mamada Hoyadiis iyo Aabihiis ay yihiin Albanian.

TURKEY: Awoowahiis dhalay aabihiis ayaa ah Turkey taasoo ka dhigan in ayagana ay saf ugu jiraan.

David Moyes ayaa raja ka qaba in xidigaan uu heshiis cusub saxiixo isla markaana uu noqdo hogaanka naadiga, wuxuuna doonayaa inuu galabta kusoo bilaabo kulanka Southampton.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close