Home » Maxaa Cusub » David Luiz:Aniga ayaa iska diiday ka mid noqoshada kooxda Barcelona.

David Luiz:Aniga ayaa iska diiday ka mid noqoshada kooxda Barcelona.


david-luiz



Daafaca  kooxd Chelsea David Luiz ayaa ka dhawaajiyey  inuu iska diiday inuu  biiro Barcelona intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maadaama ay barca xiiseeneysay laacibka.

Barcelona warkeedaa horeyey ayaa ahaa inay dalab ku dooneyso  daafaca reer Brazil xili ciyaareedkan, iyadoo taageerayaasha kooxda ku qanciyeyin lasoo saxiixan doonaan dafac adag si kooxd Camp Nou ay guulo u gaarto.

26 jirkaan inu barcelona ka mid noqdo waxaa diiday Chelsea maxaa yeelay waxa ay ku dooneysay lacago kabadan qiimaha kooxda reer spain ay soo gudbisay .

“Waxaa jiray dalab rasmi ah oo ka yimid Barcelona, laakiin waxaan go’aansaday inaan Chelsea sii joogo.” ayuu Luiz u sheegay Gazeta Esportiva.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan usii ciyaaro koox weyn islamarkaana ka mid ahaado xulka qaranka.

Luiz ayaa u soo dhaqaaqay Stamford isagoo ka yimid Benfica bishii january sanadii 2011.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close