Daafaca xulka Brazil David Luiz oo wareysi siinayay shabakada FIFA.com ayaa sheegay in xulkiisa tijaabada ugu culus ay mari doonaan marka ay Sabtiga nagu soo fool leh la kulmaan xulka Chile wareega 16-aad ee koobka aduunka wuxuua Luiz sheegay in dhamaan xidigaha xulka Brazil inay xushamd gaar ah u hayaan xulka Chile oo awood dheeraad ah koobka aduunka kusoo bandhigeen wuxuuna Luiz yiri “Brazil hadafkeeda wuxuu ahaa inaan wareega 16-aad usoo gudubno balse ma jiro qof naga mid ah oo rabay inaan Chile ku aadno waayo waa xul awood badan sidoo kalena cayaaraan kubad adag sidaa darteed tijaabadii ugu cusleed ayaan sabtiga mari doonaa!”
27-jirkan tayada wanaagsan ayaa sidoo kale sheegay in Brazil ay diyaar garow adag ugu jiraan kulanka Chile sidoo kalena ay macquul tahay inuu macalin Scolari shaxdiisa wax ka badalo madaama Chile ay kubad adag cayaaraan wuxuuna yiri “waxaan tababarka ku sameynaa falsafad cusub oo aan dooneyno inaan Chile kaga hortagno waan ku kalsoonahay in tababare Scolari uu kulankan adag na gudbin karo” labadan markii 3-aad ayay kulmi doonaan wax ka yar mudo sanad gudaheeda ah waayo 12-bilood ka hor waxay ku kala baxeen 2-2 kulan ka dhacay magaalada Belo Horizonte kadib bishii November ee sanadkii hore waxaa 2-1 ku badiyeen xulka Brazil cayaar ka dhacday dalka Canada balse David Luiz ayaa saxaafad u sheegay in kulamadaas aan Chile lagu qiimeyn karin madaama haatan koob aduun ay isku haleeli doonaan weliba marxalad kala bax ah ayay ku kulmi doonaan waayo xulkii laga badiyo gabi ahaanba tartankan ayuu ka hari doonaa.
Profile