Home » Horyaalada » League 1 » David Luiz Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Ku Biiritaankiisa Paris Saint Germain

David Luiz Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Ku Biiritaankiisa Paris Saint Germain


LUiz

Daafaca reer Brazil David Luiz ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa iyo heshiiska ay la gaartay kooxda Paris Saint Germain, wuxuuna xidigaan soo jeediyay in ku biiritaanka PSG ay tahay mid sax ah isla markaana uu jecel yahay inuu nolol ka bilaabo horyaalka League 1-ka.

Kooxda reer France ayaa 49 Malyan Oo Euro kula saxiixatay David Luiz isago noqday daafaca ugu qaalisan ebid kubada cagta caalamka.

“Haa waa door cusub oo nolosheyda ka mid ah, howl cusub, wadan cusub & luqad cusub” ayuu u sheegay L’Equipe. “Aad baan ugu faraxsanaa Chelsea, waxaan kula guuleystay koobab waaweyn, waxaan ku lahaa saaxiibo, qof walbana xushmad ayaan ka helay, balse waxaan filayaa iney soo dhamaatay wareegii noloshaas”

“Waxaan ka bilaabi doonaa Paris kadib koobka Aduunka. aad baan ugu faraxsanahay. waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka uu furmo suuqa kala iibsiga markaas ayaana wax walba la dhameyn doonaa. hada waxaan ka hadli karnaa xaqiijin wax walbana waa sidii la rabay. waa rasmi inaan ku biiray Paris Saint Germain waana ku faraxsanaan doonaa”

David Luiz ayaa Paris kula midoobi doona Kabtankii Thiago Silva kaas oo ay xulka ku wada jiraan wuxuuna aaminsan yahay in Paris ay tahay mid ka mid ah magaalooyinka ugu shidan aduunka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close