David Luiz ayaa ku guulesystay tijaabadii caafimaad oo uu u maray kooxda PSG isagoo sidoo kale heshiis shaqsi ah la gaaray wuxuuna qiimo ahaan ku fadhiisan doonaan faransiiska 50 Malyan.
Kooxda Blues ayaa website-keeda ku shaacisay jimcihii in heshiis ay kala gaareen iyada iyo PSG, “Kooxaha Chelsea & PSG ayaa ka wada heshiyay saxiixa daafaca reer Brazil David Luiz isagoo ku biiri doona kooxda reer France”
Wareegitaanka ayaa sii dhawaanaya iyadoo David Luiz uu heshiis shaqsi ah la gaaray maamulka kooxda reer Frane ee Paris Saint Germain.
27-jirkaan ayaana noqonaya daafaca ugu qaalisan aduunka isagoo ka lacag batay xidigaha PSG Thiago Silva iyo Marquinho kuwaas oo iyagana ku biiray Paris sannado hore waxaana ay u dhasheen Brazil.
Tijaabada caafimaad ee David Luiz ayaana ka dhacday xerada tababarka ee xulka Brazil uu isugu diyaarinayo koobka Aduunka ee ay martigalinayaan bisha soo aadan.