Sida laga soo xigtay Football Direct News naadiga Barcelona ayaa heshiis hordhac ah la gaartay daafaca xulka Brazil iyo naadiga Chelsea David Luiz kaasi oo la hubo inuu London isaga hayaami doono madaama uu macalin Jose Mourinho ku daray liiska xiidgaha la fasixi doono, waxaana la xaqiijiyay in 26-jirkan uu heshiis 5-sano ah Barcelona la gaaray sidoo kalena uu ku faraxsan yahay inuu mustaqblkiisa cayaareed La Ligaha Spain kasii wato, agaasimaha kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa la kulmay David Luiz waxayna meel isla dhigeen mustaqbalka xidigan oo mushaar £4.5m ka qaadan doono garoonk Camp Nou, tani waxay ka dhigan tahay in Luiz uu isaga baxsan doono dhaa hadalka iyo yasmada uu macalin Jose Mourinho ku haayo wuxuuna ku biiri doonaa naadi aad ugu baahan inay tayadiisa ka faa’iideesato.
Inkastoo Luiz iy Barcelona ay wax walbo ka wada heshiiyeen hadana heshiiskan ma hirgali doono ilaa dhanka Chelsea la qanciyo madaama uu daafacan Blues qandaraas kula jiro sidoo kale caqabada taagan ayaa ah n Barcelona ay ku dooneyso saxiixa Luiz £20m halka Chelsea ay maanka ku heyso aa aaminsan tahay in daafacan ay kaga samri karto £30m ilaa £35m waayo Chelsea iyada ayaa sanadii 2011 naadiga Benfica David Luiz kaga soo iibsatay £20m dabcan arinkan wuxuu keeni doonaa ismari waa inuu labadan naadi ka dhex dhasho sidoo kale Luiz naadiga Bayern Munich ayaa saxiixiisa ku raad joogto, xidigan ayaa Chelsea u saftay 143-kulan tan iyo markii uu Stamford Bridge yimid wuxuuna kula guuleestay kooba farabadan sida UEFA Champions League, Europa League, FA Cup iyo kooba kale.