Goolhayaha kooxda Manchester United ayaa fariin laba dhinac taabaneysa u diray macalinka cusub ee kooxda Louis Van Gaal kaas oo xilka kooxda la wareegi doona kadib koobka Aduunka.
Goolhayaha koowaad ee kooxda United ayaa nasiib u yeeshay inuu Spain u matalo koobka Aduunka isagoo ka mid noqon doona 23-ka xidig ee macalin Del Bosque u raaci doonta Brazil madama Valdes uu dhaawac xun soo gaaray.
Si Kastaba De Gea ayaa macalin Van Gaal ka codsaday inuusan iibin kubad sameeye Juan Manuel Mata isla markaana uu doorkiisa cusub ku darsado madama ay yihiin saaxiibo aad isugu dhaw.
De Gea ayaa doonaya inuu garoonka Old Trafford kusii arko Juan Mata oo waxkayar hal xili ciyaareed ku sugan kooxda Manchester United balse loo maleynayo iney la tagto seefta Van Gaal madama ay kooxda gali doonto waqti dib u habeyn ah.
Dhanka kale David De Gea ayaa macalin Louis Van Gaal u tilmaamay saxiixa kubad sameeyaha xulka Spain iyo Kooxda Barcelona Andreas Iniesta.
“Hadaan Awoodo waan lasoo saxiixan lahaa Iniesta” Ayuu De Gea u sheegay Movistar.
“Wuxuu leeyahay dabeecad wanaagsan, aqlaaaq iyo farsamo aan la keeni karin aad ayuuna Man United u anfici lahaa” Ayuu De Gea mar kale yiri.
Ugu dambeyntii De Gea ayaa filanaya in macalin Van Gaal uu waqti dahabi ah u hogaamin doono kooxda Old Trafford ku ciyaarta.