Home » Horyaalada » La liga » David De Gae Iska Iloobay Inuu Liiska Xulka Spain Ku Jiro Madaama Uu Saaxiibtiis Dalxiis La Aaday!

David De Gae Iska Iloobay Inuu Liiska Xulka Spain Ku Jiro Madaama Uu Saaxiibtiis Dalxiis La Aaday!


De Gae

Goolhayaha kooxda Man United David De Gae oo dhawaan calaf u yeeshay in lagu daro liiska xidigaha xulka Spain u matali doonaan koobka aduunka ayaa isba iska iloobay in laga rabay tababar iyo diyaar garow adag wuxuuna xidigan dalxiis gaaban la galay saaxiibtiis Edurne Garcia Almagro, labadan lamaane ayaa lagu arkay ayagoo iska haasaawayo bartamaha magaalada Madrid sidoo kalena dukaameysi ku jiraan inkastoo ay aad ugu faraxsanaayeen dalxiiskooda hadana falkii uu goolhayahan dhalinta yar ku kacay waxaa ka carooday macalinka xulka Spain Vicente del Bosque waayo dhamaan xidigaha Spain diyaar garow ayay ku jiraan balse De Gae isaga jaceel jilis ayuu ku mashquulay!

Stunner: De Gea has had an excellent season in an otherwise dismal campaign for Man Utd

David De Gae oo aan weli xulkiisa kulan u safanin ayaa ka mid ah 30-cayaaryahan ee uu macalin Del Bosque xushay kuwaas oo 23-xidig laga soo reebi doono 2-bisha June sidaa darteed xidigan haatan waxaa macquul ah in liiskan laga reebo, sidoo kalena De Gae ayaa ku rajo weynaa in habeenka Jimcada uu xulkiisa goosha u qabto kulanka saaxiibtinimo oo ay la cayaari doonaan xulka Bolivia balse haatan Pep Riena ayaa laga hormarin doonaa madaama Reine uu tababar adag sameeyay halka De Gae uu isagana dalxiis kula jiray saaxiibtiis Edurne Garcia Almagro, xidigan dhalinta yar sidoo kalena 23-jir ah ayaa xili cayaareedkii dhamaaday loo aqoonsaday laacibkii Man United ugu wanaagsanaa waxaana dadaalkiisa la dhacsanaa macalin Del Bosque balse haatan kalsoonida macalinkiisa ayuu lumiyay!

Back up: He will be third choice keeper for the tournament behind Iker Casillas and Pepe Reina


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close