Home » Maxaa Cusub » David Beckham Oo Dhigi Doona Rikoor Ku Cusub Kubada Cagta

David Beckham Oo Dhigi Doona Rikoor Ku Cusub Kubada Cagta


Becks

Kabtankii hore xulka Ingiriiska iyo kooxaha Manchester United, Real Madrid, LA Galaxy, Ac Milan & PSG David Beckhkam ayaa qorsheynaya inuu dib ugu soo laabto garoomada madama uu u xiisay ciyaarista kubada cagta. David Beckham ayaa ah milkiilaha kooxda  Miami ee horyaalka mareykanka.

Becks ayaa soo afjaray ciyaarista kubada cagta kadib 20-sano oo uu kusoo jiray garoomada 2013 markaas oo uu horyaalka la qaaday kooxda PSG waxaana ay haatan da’diisu tahay 39-jir.

Becks oo la hadlay BBC ayaa qorsheynaya inuu dib kabaha kubada cagta u gashto arintaan ayaana noqoneysa inuu noqdo milkiilihii ugu horeeyay ee ciyaariyahan ah taariikhda kubada cagta.

Marka ay xaaladaan imaaneyso maahan waqti dhaw waayo kooxda Miami waxey horyaalka ciyaaristiisa bilaabi doontaa 2016 ama 2017 markaas oo la dhameyn doono garoonkooda cusub ee ay gaarka u leeyihiin iyadoo xiligaas uu Becks noqon doono 41 ama 42-jir.

Hamiga Becks ayaa la filayay madama xidigaan heerka caalami uu si aad ah uga qiirooday habeenkiisii ugu dambeysay kubada caga ee PSG markaas oo uu kazoo muuqday shaashadaha isagoo aad u ilmeynaa.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close