Sida uu shaaca ka qaaday wargeska The Times halyeegii hore ee kooxda Man United David Beckham iyo Roman Abromavic oo ah milkiilaha kooxda Chelsea ayaa ka mid noqdeen sanadkn shaqsiyaadka ugu naxariista badan ee dalka England waxayna labadan shaqsi oo kubada cagta miisaan culus ku leh ka mid noqdeen shaqsiyaadka caanka ah ee ku nool dalka England kuwaas oo sadaqo ahaan u bixiyeen £1 million ugu yaraan iyo wixii ka badan, dabcan David iyo Abromavic sidoo kale waa hantiilayaal balse waxay ka mid noqdeen kuwa dadka saboolka ah u naxariistaan ee lacagtooda wax ka bixiyeen intii u dhaxeesay 2013 ilaa 2014 oo aan haatan bartanka kaga jirno.
Sir Elton John oo ah fanaan caan ah ayaa noqday shaqsiga ugu naxariista badan dadka ku nool Britain madaama uu lacagtiisa ka bixiyay £24m weliba inka badan £14m oo lacagas ka mid ah wuxuu ugu deeqay hay’daha ka shaqeeyo ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka HIV/Aids, marka laga hadlaayo hantiilayaasha ku nool dalka England balse aanan u dhalinin waxaa lacagta ugu badan siyaabo kala duwan u bixiyay Roman Abromavic oo iska leh naadiga Chelsea wuxuuna bixiyay £145.9m sidoo kale milkiilaha saamiga ugu badan naadiga Arsena iska leh Alisher Usmanov wuxuu bixiyay isagana £114.1m waana bilyoneer u dhashay dalka Russia balse u nool magaalada London.