Home » Maxaa Cusub » Danny Welbeck Oo Laga Yaabo Inuu Seego Furitaanka Koobka Aduunka

Danny Welbeck Oo Laga Yaabo Inuu Seego Furitaanka Koobka Aduunka


Welbeck

Weeraryahanka Manchester United Danny Welbeck ayaa qarka u saaran inuu waayo kulana furitaanka groupka D ee uu xulkiisa la yeelan doono xulka ay aadka u xifaaltamaan ee Talyaaniga kulan dhici doona Jimcaha.

Danny Welbeck ayaa tababarka xulka uga baxay dhaawac soo gaaray talaadadii taasoo qasabtay inuu soo xaadiri waayo tababarkii arbacada ee xulka taasoo shaki weyn galisay inuu ka hor yimaado talyaaniga.

Xiriirka FA-ga ayaan ka hadlin dhaawaca Welbeck iyo inta ay qaadan doonto daaweyntiisa balse Raheem Sterling ayaa laga yaabaa inuu buuxiyo booskisia.

Waa dhibato hor leh oo usoo hoyatay tababare Roy Hodgson isagoo weynaya hubkii ugu weynaa oo uu adeegsan lahaa hakinta Andrea Pirlo oo ah miisaanka ugu culus ee xulka Azzurri ay ku duulaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close