Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa u duuli doona dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Boston si uu daaweyn u helo madama dhaawacyadiisa ay bateen xili ciyaareedkaan.
25-jirkaan reer England ayaan garoomada kasoo muuqan tan iyo bishii September ee kal hore, inkastoo dhowr jeer uu dhaawacmay waxaana markaan sheekadu ay noqotay inuu aado mareykanka si uu si fiican usoo kabsado.
Dhaawaca Sturridge ayaa kasoo bilowday xerada tababarka xulka England xili ay isku diyaarinayeen isreeb-reebka Euro 2016, kulankiisa furitaanka oo ay la yeelaneyeen Switzerland.
Sid aay qirtay Independent, Sturridge wuxuu fasaxa ciida Christmaska kusoo qaadan doonaa dalka Mareykanka, waxaana la filayaa inuu soo kabsasho fiican sameyn doono.
Sturridge wuxuu ku sugnaan doonaa xerada Boston Red Sox baseball, halkaas oo uu ku sameyn doono tababarka gaar ah.