Daafaca garabka midig xulka Brazil iyo naadiga Barcelona Dani Alves wuxuu ka mid yahay laacibiinta aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena 8-sano ee ugu dambeesay kubada cagta heerkii ugu sareesay ayuu ka gaaray wuxuuna koobab farabadan kula guuleestay kooxaha Sevilla iyo Barcelona haatana Alves, miisaan culus ayuu kubada ku leeyahay hadaba waxaan idiin heynaa xidigan waaya araga ah iyo hantida u kubada cagta ka tabcay. Fadlan xoogtan xiisaha badan hoos kaga bogo:
Hantida uu heesto lacag ahaan: $45 Milllion
Mushaarka sanadlaha: 7 million EUR
Xiliga uu dhashay: May 6, 1983
Goobta uu ku dhashay: Juazeiro, Bahia, Brazil
Da’diisa: 30-sanp
Magaca xaaskiisa: Dinora Santana (sanadii 2008 ayuu guursaday)
Guulihii Ugu muuhimsanaa ee uu Alves kubada cagta ka gaaray:
Xagaagii 2008 Alves waxaa €32.5 million kusoo iibsatay naadiga Barcelona wuxuuna markaas noqday daafaca sedexaad ee dunida ugu qaalisan dabcan Sevilla markii uu kasoo tagaayay wuxuu kula guuleestay koobab muhiim ah sidoo kalena daafac magaciisa Yurub ku baahay ayuu ahaa, mudo 6-sano ah oo uu Barcelona ka tirsan yahay guulahiisa wuu sii laba laabay sidoo kalena magaciisa meel walbo oo daafaha caalamka ka mid ah ayuu gaaray waxaana lagu amaanay dadaalkiisa dheeriga ah iyo asluub wanaaga uu kubada u cayaaro, hadaba Alves iyo koobabkii ugu muhiimsanaa ee uu ku guuleestay hoos kaga bogo:
Bahia:
Campeonato Baiano: 2001
Campeonato do Nordeste: 2001, 2002
Sevilla:
Copa del Rey: 2006–07
Supercopa de España: 2007
UEFA Cup: 2005–06, 2006–07
UEFA Super Cup: 2006; Runner-up 2007
Barcelona:
La Liga: 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13
Copa del Rey: 2008–09, 2011–12; Runner-up 2010–11, 2013–14
Supercopa de España: 2009, 2010, 2011, 2013; Runner-up 2012
UEFA Champions League: 2008–09, 2010–11
UEFA Super Cup: 2009, 2011
FIFA Club World Cup: 2009, 2011
Brazil
FIFA World Youth Championship: 2003
Copa América: 2007
FIFA Confederations Cup: 2009, 2013
Biladaha shaqsi ahaaneed ee uu Alves ku guuleestay:
UEFA Cup Most Valuable Player: 2006
UEFA Super Cup Most Valuable Player: 2006
FIFPro World XI: 2009, 2011, 2012, 2013
ESM Team of the Year: 2006–07, 2008–09, 2009–10, 2010–11
UEFA Team of the Year: 2007, 2009, 2011
La Liga’s Best Defender: 2009
Team of FIFA Confederations Cup 2013