Home » Maxaa Cusub » Daley Blind Oo Caafimaad U Maraya Kooxda Manchester United (+ Sawiro)

Daley Blind Oo Caafimaad U Maraya Kooxda Manchester United (+ Sawiro)


Blind

Manchester United ayaa qarka u saaran iney ku dhawaaqdo saxiixa daafaca kooxda Ajax Amsterdam iyo Xulka Holland Daley Blind kadib markii jimcadii labada kooxood ay ku heshiiyeen qiimaha xidigaan heerka caalami.

Manchester Untied waxey xidgiaan ku qaadaneysaa 13.8 Malyan Oo Pound, waxaana goor dhaw lasoo wariyay inuu ku sugan yahay magaalada Manchester gaar ahaan isbitaalka Bridgewater Hospital la yiraahdo ee ku yaala Magaalada Manchester si uu caafimaad ugu maro halkaas.

Blind kaliya in lagu dhawaaqo waxaa ka xigta inuu heshiis shaqsi ah la gaaro kooxda isla markaana isaga iyo kooxda United ay isku afgartaan sanadaha uu joogi doono.

On the brink: Daley Blind at the Bridgewater Hospital in Manchester on Saturday to undergo a medicalOn the brink: Daley Blind at the Bridgewater Hospital in Manchester on Saturday to undergo a medical

Manchester United waxey maanta bogeeda xiriirka Bulshada ee Twitter-ka kusoo qortay war cadeynaya iney heshiis la gaartay Ajax iyadoo kala heshiisay saxiixa xidigaan.

Daley Blind wuxuu noqon doonaa saxiixa Shanaad ee kooxda Manchester United hadii uu dhaqan galo waxaan kooxda kaga soo horeeyay: Marcos Rojo, Luke Shaw, Ander Herera iyo Angel Di Maria.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close