Home » Maxaa Cusub » Dailystar: Goolhaye De Gea Wuu Ka Tagayaa Man United Wuxuuna Ku Biirayaa Kooxda Real Madrid

Dailystar: Goolhaye De Gea Wuu Ka Tagayaa Man United Wuxuuna Ku Biirayaa Kooxda Real Madrid


De Gea

Jariiradda Daily Star oo soo xiganeysa majaladda spain kasoo baxda ee Marca ayaa qortay in goolhaye David De Gea uu ka dhaqaajin doono kooxda Manchester United isagoo heshiis la gaaray Real Madrid.

Warbixinta ay qortay Daily Sar ayaa sheegeysa in De Gea uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka Real Madrid waxaana wadahdalo ay u socdaan Madrid iyo wakiilka xidigaan Jorge Mendes.

De Gea ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisa barbaraha la gashay Arsenal kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo ka dhacay Old Trafford, waxaana la oran karaa inuu ahaa kii ugu dambeeyay oo uu Old Trafford ku ciyaaro iyo kii ugu dambeeyay oo uu Man United u ciyaaro madama aan la hubin inuu ciyaari doono kulanka Hull City ee todobaadka soo aadan.

Marca oo xiganeysa ilo aan la shaacin oo ku dhaw Madrid ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan Bernabeu ay heshiis la gaartay David De Gea.

“Madrid, Barca iyo Man United waa sadexda koox ee ugu waaweyn aduunka, qofna ma diidi karo inuu midkood u ciyaaro” Sidaas waxaa yiri Valdes oo goolka u qabta Man United.

Ugu dambeyntii hadal heynta ugu badan saxaafada Spain iyo ingiriiska ayaa ku foorarta markaan mustaqbalka David De Gea, mana la oga halka uu ku dambeyn doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>