Da’yarka kooxda Real Sociedad iyo Xulka Faransiiska Antoine Griezmann ayaa iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa isagoo doonaya inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League oo ay dalabyo kaga imaanayaan sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Daily Star oo xiganeysa Jariirada ugu afka dheer jariiradaha Spain ee AS ayaa qormadeeda maanta ku cadeysay in Griezmann uu iska diiday heshiis laba sano oo ay kooxdiisa usoo bandhigtay si uu baaqi ugu sii ahaado horyaalka La Liga.
Si Kastaba Arsenal ayaa hoganka u heysay loolanka loogu jiro xidigaan inkastoo sidoo kale koxaha Chelsea, Manchester United iyo Liverpool ay doonayaan hadana Real Sociedad ayaa diyaar u ah iney xidigaan ku iibiso qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa kaas oo ah 23.9 Malyan Oo Pound waana ku qaali kooxaha Ingiriiska.
23-jirkaan heerka caalami ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday dhaliyay 16-gool, 35-kulan oo uu saftay La Liga.
Si Kastaba Kooxaha ka dhisan Ingiriiska ayaa dib usoo celinaya hamigooda ku aadan Griezmann kaas oo albaabada u furay inuu usoo guuro horyaalka ugu daawashada badan aduunka ee Premier League.
Profile