Home » Maxaa Cusub » Daily Star: Daafaca Chelsea Kurt Zouma Oo Kusii Jeedo Naadiga Besiktas

Daily Star: Daafaca Chelsea Kurt Zouma Oo Kusii Jeedo Naadiga Besiktas


ZoumaWargeska Daily Star ayaa bogiisa hore ku qoray in daafaca dhalinta yar ee naadiga Chelsea ka tirsan Kurt Zouma uu horaanta bisha Janaayo ku biiri doono kooxda Besiktas ee ka dhisan dalka Turkiga.

Macalin Jose Mourinho ayaa laga soo xigtay inuu xidigan dhalinta yar fasixi doono horaanta sanadka cusub si uu waaya aragnimo dheeraad ah usoo kabsado waxayna Chelsea amaah ku siin doontaa Zouma kooxda Besiktas oo ay xiriir wanaagsan leeyihiin.

Daafacan ka tirsan xulka France uma suura galin inuu boos joogto ah Chelsea ka helo waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub sidaa darteed Mourinho ayaa damacsan inuu Zouma amaah ku siiyo kooxda Besiktas si uu hormar cayaareed u sameeyo inta ka harsan xili cayaareedkan.

20-jirkan waxay Chelsea xagaagii hore £12.5m kaga soo iibsatay naadiga Saint-Etienne balse uma suura galin inuu Line Up rasmi ah ka helo garoonka Stamford Bridge madaama daafaca dhexe ee Chelsea xirteen kabtan John Terry iyo Gary Cahill.

Daily Star ayaa sheegay in kooxda Besiktas ay qorshahan aqbashay sidoo kalena kooxda reer Turkey inta xili cayaareedkan ka dhiman iyada ayaa bixin doonto mushaaraadka Zouma oo dhankiisa isagaba doonayo inuu Besiktas ka mid noqdo madaama uu heli doono fursad uu todobaad walbo ku cayaaro.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>