Caawo fiidkii Arsenal waxay ku taameysaa inay ku guuleesato koobkii ugu horeeyay mudo 9-sano kadib sidaa darteed naadigan faca weyn mudo dheer ayaysan wax koob ah arkin waxaana xiligaas dunid kubada cagta iska badalay waxyaabo badan oo aan lasoo koobi karin sidaa darteed film kooban ayaa laga sameeyay wixii caalamka iska badalay mudada 9-sano oo aysan Arsenal wax koob ah qaadin, tusaale ahaan 9-sano oo aysan Arsenal wax koob ah qaadin 29-naadi oo reer England ah ayaa koobab kal duwan hanteen, dabcan qaarada Yurub wixii ka dhacayna masoo koobi karno, filmkan bal nala daawo kadib adiga ayaa wax badan ogaan doontid:
Hadii aan Idiin soo koobno filmkan wuxuu soo bandhigay:
Waxaa kasoo wareegatay 3250-maalmood galabkii ay Arsenal ku guuleesatay koobkeedii ugu dambeeyay!
Tottenham tan iyo markaas waxaa hogaankeeda isku badaleen 5-macalin hada waa 9-sano aysan Arsenal wax koob ah qaadin!
Laga soo bilaabo sanadii 2005 ilaa haatan koox walbo oo England ka dhisan macalinkeeda way iska badashay marka laga reebo Arsenal.
Arsenal waxay qarash gareesay 9-sano ee ugu dambeesay 250-milyan oo pound ilaa haatana wax koob ah ma qaadin!
Man United waxay mudadaas ku guuleesatay 15-koob oo heer caalami ah! Chelsea 11-koob halka Liverpool iyo Man Ciy ay min 5-koob ku guuleesatay isla mudada aysan Arsenal wax koob ah qaadin. halka Tottenham 1-koob qaaday
23-cayaaryahan oo Arsenal ka tagtay 9-sano ee ugu dambeesay 68-koob ayay ku guuleesteen.
Naadiga haweenka Arsenal waxay ku guuleesteen 29-koob 9-sano ee ugu dambeesay
Lionel Messi wuxuu dhaliyay 390-kulan asigoo cayaaray 352-kulan mudada 9-sano ah oo aysan Arsenal wax koob ah qaadin. 4-jeer oo xariir ah ayuu Ballon d’Or ku guuleestay sidoo kalena 15-koob oo heer caalami ah ayuu xidigan qaaday
Pep Guardiola 9-sano ee ugu dambeesay gudaheeda ayuu cayaarahakaga fariistay sidoo kalena uu macalin ku noqday wuxuuna ku guuleestay 14-koob oo heer caalami ah. kadib Bayern ayuu sanadkan qabtay wuxuuna u qaaday 3-koob oo dheeraad ah