Van Persie iyo Eduardo oo Horey uga wada tirsanaa Kooxda Arsenal ayaa sawiro Isla galay Kadib Barbardhacii ay Galeen Kooxaha Manchester United iyo Shakhtar oo ay Labadaan Laacib u kala Cayaaraan Habeenkii Arbcada Kulan Ka tirsanaa Uefa Champions League.
Labadaan Laacib Ayaa Kooxda Arsenal kusoo qaateen Seddex sano ka hor inta uusan Eduardo Flop ka noqon Kooxda Arsenal markaas oo uu ku biiray Shakhtar.
Eduardo ayaa Mustaqbal Fiican ku heysta Kooxda Shakhtar tan iyo markii 6 Million uu kula biiray July sanadkii 2010.
Laacibka Croatia (Eduardo) ayaa ahaa Keyd aan la isticmaalin kulankii Shakhtar ay 1-1 la gashay Manchester United, Kulankaas oo ay Shakhtar Group A Hoggaanka u qabastay iyadoo la kormartay Kooxda Manchester United.
Haddaba Daawo Sawirada ay Labadaan Xidig isla galeen iyadoo ay tahay Arrin Xasuus iyo Saaxiibtinimo ah.