Real Madrid ayaa markeedii 10-aad hantisay koobka Champions League markii ay 4-1 kaga taqalusen kooxda ay caasimada Madrid ku xifaaltamaan ee Atletico Madrid ciyaar 90-ki daqiiqo kusoo dhamaatay 1-1 oo u baahatay waqti dheer ah.
Waxey ciyaar fowdo badan oo ay wiilasha Diego Simeone sameeyeen dadaal xoog leh balse gool ay ka heleen Diego Godin daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta ugama filnaan iney ku qaadan koobka, balse Sergio Ramos ayaa barbaro u keenay Madrid waqtigii dhimashada ee dhamaadkii ciyaarta.
30-daqiiqo oo lagu daray sida sharciga ah ayey Madrid 3-gool laqsiiyeen Atletico, Ronaldo, Bale & Marcelo ayaana ka taqalusay Atletico Madrid.
DAAWO SAWIRADA: