Home » Maxaa Cusub » Daawo: Maanta Oo Kale Diego Maradona Ayaa Gacantiisa Guul Dahabi Ah Ku Gaarsiyay Argentina

Daawo: Maanta Oo Kale Diego Maradona Ayaa Gacantiisa Guul Dahabi Ah Ku Gaarsiyay Argentina


Maradona

Maanta oo kale sanadii 1986-dii Gacantii dahabiga aheyd ee Diego Armando Maradona ayaa dhigtay taariikh lama iloobaan ah oo ka nixisay dadyowga reer Britain kuwaas oo tartanka Koobka Aduunka uga haray guuldaradaas wareega Quater Finalka.

22-kii June 1986-dii ayey ciyaar xiiso badan oo ka tirsan koobka Aduunka ku dhexmartay Dalka Mexico magaaladiisa Monterrey xulalka Argentina iyo England, kana dhacday garoonka Estadio Universitario oo ayna kasoo qeyb galeen 41,700 taageero garsooruhuna uu ahaa Jesus Diaz oo reer Colombia ah.

Ciyaartaas xiisaha badneyd waxey kusoo idlaatay ugu dmabeyntii 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka Argentina, Diego Maradona ayaana ahaa dhaliyaha labada gool ee Argentina halka goolka agoonka ah ee England uu dhaliyay Lineker.

Hadaba Dhacdadaas waa dhacdo caan ka ah kubada cagta waxeyna ku beegneed 28-sano guuradii madax jabkii England iyo Gacantii dahabiga aheyd ee Maradona.

DAAWO CIYAARTII OO GOOS-GOOS AH:

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close