Home » Maxaa Cusub » Daafacii Hore PSV Iyo Man United Jaap Stam Oo Amaanay Talaabada Ay United Kula Saxiixatay Memphis Depay

Daafacii Hore PSV Iyo Man United Jaap Stam Oo Amaanay Talaabada Ay United Kula Saxiixatay Memphis Depay


Depay and Van Gaal

Daafacii hore xulka Holland, PSV iyo Man United ayaa aaminsan in Louis Van Gaal uu heli doono tayada wanaagsan oo uu leeyahay Memphsi Depay.

“Waa xidig tayo sare leh” Ayuu Stam u sheegay MUTV.

“United waa koox mar walba wax weerarta waxeyna mar walba xiiseysaa xidigaha leh awooda lagu gudbo hal iyo hal, sidoo kalana abuuri kara fursado, dhalin kara goolal, Memphis Depay-na waa sidaas oo kale” Ayuu mar kale yiry Jaap Stamp.

Stam ayaa sidoo kale qiray in xidigaan uu sanado badan ku sugnaa Holland isla markaana uu cadeeyay sida uu ugu qalmo inuu u ciyaaro koox sida United oo kale ah, wuxuuna sheegay inuu talaabo hormar leh qaaday madama uu ku biiray United.

“Waxey ila tahay inuu talaabo fiican qaaday madama uu ku biiray United isla markaana uu la shaqeynayo Louis Van Gaal sababtoo ah si wacan buu u yaqaanaa dabcan”

Ugu dambeyntii Memphis Depay ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay Man United xagaagan inkastoo aan la ogeyn sida uu noqon doono marka uu bilowdo xili ciyaareedka United ee horyaalka Ingiriiska.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>