[PARIS - FRANCE] Daafaca reer Brazil ee Kooxda Paris Saint Germai Marquinhos ayaa ka niyad jabsan kursiga keydka ee kooxdiisa isagoo ku fashilmay inuu noqdo dooqa koowaad ee macalin Laurent Blanc tiiyoo ay usii dheeratay inuu kooxda kusoo biiray David Luiz.
Daaficii Hore Roma ayaa ku faraxsaneen nolosha Paris wuxuuna doorbidayaa inuu ku biiro kooxda Barcelona oo dhibaato dhanka daafaca ay lasoo daristay.
Si Kastaba Imaatinka David Luiz wuxuu mugdi sii galinayaa mustaqbalka Marquinhos waxaana uu xiiseynayaa in Barca ay dalab usoo dirto.
20-jirkaan ayaa la hadlay La Parisien: “Gabi ahaanba waxey fiicnaan laheyd in Barca ay ila soo xiriirto, waan ku faraxsanaan lahaa waayo waa koox ku guuleysan karta koob walba waxaan mustaqbalkeyga kala hadli doonaa wakiilkeyga sababtoo ah xili ciyaaredka soo aadan aad ayuu muhiim iigu yahay”
Hadalka Marquinho imaanaya xili Barca ay la daalaa dhaceyso dhibaatooyin dhanka daafaca ah madama Puyol uu ka tagay halka daafaca Barca uu noqday mid aan tabar lahey.