Daafaca dhalinta yar ee kusoo bar baaray garoonka Anfield Andre Wisdom ayaa qaab amaah ahaan ah lagu siiyay naadiga Derby County oo heerka labaad ee horyaalka England ka cayaarto, madaama daafacan garabka midig ka cayaaro uu xili cayaareedkan boos joogto ah ka waayay wuxuu macalin Brenden Rodgers uu u ogolaaday inuu kooxda Derby ku biiro si uu kulamo farabadan u cayaaro sidoo kalena uu dib ugu soo laabto garoonka Anfield asigoo waaya arag ah, Wisdom ayaa amaah kula joogi doono kooxda Derby inta ka harsan xili cayaareedkan.
Wisdom ayaa ka mid noqday xidigaha heerka kowaad ee kooxda Liverpool xili cayaareedkii hore wuxuuna kooxdan u saftay 19-kulan balse xili cayaareedkan wuxuu waayay fursad uu isku muujiyo sidaa darteed 3-kulan oo qura ayuu garoonka Anfield kasoo muuqday, cayaaryahankan ayaa ku faraxsan inuu Derby ku biiray madaama uu heli doono boos joogto ah waxaana lagu wadaa inuu kooxdiisa cusub Derby u safto kulanka ay sabtiga la cayaari doonto naadiga Birmingham City ee ka tirsan horyaalka heerka labaad ee England