Mats Julian Hummels wuxuu ka mid yahay daafacyada ugu wanaagsan qaarada Yurub sidoo kalena wuxuuna si joogto ah ugu cayaaraa naadiga Dortmund iyo xula Jarmalka sidoo kalena xidigan haatan heerkiisii ugu wanaagsanaa ayuu kubada cagta ka taagan yahay waxaana la filaa in saxiixiisa ay xagaagan ku dagaalami doonaan naadiyada Yurub ugu caansan, balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa Hummels iyo noloshiisa gaar ah si aan wax badan uga ogaan, waana sheeko xiiso badan fadlan hoos kaga bogo:
Cathy Fischer iyo Hummels waxay saaxiibo yihiin tan iyo sanadii 2007 waxayna labadan lamaane isdoorteen ayagoo 19-sano jiraan haatana xiriir adag ayaa ka dhaxeeyo waxayna ku wada nool yihiin dooxaha Ruhr ee magaalada Dortmund, inta badan Cathy Fischer kama harto saaxiibkeed Mats waxayna si joogto ah ugu soo daawasho tagtaa garoomada si ay Seygeeda Hummels u dhiiri galiso sidaa darteed gabadhan waxay ka mid noqotay hablaha ugu caansan dalka Jarmalka ee xiriirka la leh xidigaha Bundesligaha ku sugan.
Hummels ayaa dhawaan wargeska The Bild u sheegay in Cathy Fischer uusan ka maarmin sidoo kalena ay sabab u tahay heerka uu kubada cagta ka gaaray madaama ay gabadhaan marwalbo daafacan tayada wanaagsna garabsiiso una sacabtunto marka uu garoonka ku jiro sidoo kale Hummels ayaa ka dhawaajiyay in xagaagan uu Cathy Fischer garab weyn ka filan doono madaama uu xulkiisa Jarmalka kala qayb qaadan doono koobka aduunka dabcan Fischer iyaduba xiiso gaar ah ayay u qabtaa inay xeebta diiran ee dalka Brazil xagaagan u dalxiis tagto sidoo kale ay saaxiibkeed Hummels marwalbo caawiso.
Ugu dambeyntii Cathy Fischer ayaa la weydiiyay hadal heynta ku aadan in saaxiibkeed Hummels uu xagaagan Dortmund isaga tagi doono kuna biiri doono kooxaha Man United ama Barcelona midkood waxayna gabadhan sheegtay inaysan hubin halka uu xili cayaareedka dambe daafacan ka cayaari doono balse ay jeclaan laheed hadii uu Dortmund ka tagaayo inuu dalka England ka shaqo bilaabo madaama ay nolosha England jeceshahay!!