Home » Latin America » Daafaca Colombia Zuniga Oo sheegay In Dil Loogu Hanjabay Kadib Markii Uu Neymar Dhaawacay!

Daafaca Colombia Zuniga Oo sheegay In Dil Loogu Hanjabay Kadib Markii Uu Neymar Dhaawacay!


zuniga-neymar-bra-col490ai

Daafaca xulka Colombia iyo naadiga Napoli Juan Camilo Zuniga ayaa sheegay in noloshiisa ay haatan halis ku jirto kadib markii ay soo gaareen fariimo loogu hanjabaayo madaama xidigan uu isaga sabab u ahaa in Neymar uu gabi ahaanba koobka aduunka inta ka harsan seego, kulankii Brazil 2-1 kaga badiyeen xulka Colombia wareega 8-aad ee koobka aduunka ayuu Zuniga dhaawacay Neymar kadib markii uu jilin kaga dhuftay dhabarka taasi oo sababtay in qaar ka mid ah lafaha dhabarka Neymar uu jab soo gaaro.

Hadaba Juan Camilo Zuniga ayaa sheegay kadib dhaawacii Neymar soo gaaray in xaalad halis ah ay soo wajahday madaama taageerayaal farabadan oo reer Brazil ay xidigan ugu hanjabeen inay dili doonaan, Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Rio De Jenario ayaa amaankiisa la adkeeyay madaama laga cabsi qabo in Zuniga dhibaato loo geesto waxaana lagu wadaa inuu sida uu dhaqsiyaha bada gudaha dalka Brazil uga  baxo, Juan Camilo Zuniga ayaa sidoo kale sheegay in baraha ay bulashada aduunka ku sheekeestaan sida Facebook iyo Twitter daafacan loogu hanjabay sidoo kalena lasoo dhigay aflagaado ku saleesan dhanka midib kala sooca taasi oo si toor ah loogu weeraraayo Juan Camilo Zuniga.

Zuniga ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhaawaca halista ah ee Neymar soo gaaray wuxuuna xusay inuu aad uga xun yahay dhibaatada baaxada leh ee Neymar soo gaartay wuxuuna u rajeeyay inuu si dhaqsi ah kusoo kabto.


Close