Daafaca dhexe kooxda Atletico Madrid Joao Miranda ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo ka guuritaanka dalka Spain isago u guuri doona Premier League oo uu dalab ka helay dhawaan.
Daafacaan reer Brazil ayaa nasiib u yeelan waayay in looga yeero xulka Brazil ee koobka Aduunka isagoo xili ciyaareed fiican la qaatay kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone.
Atletico Madrid ayaa Joao Miranda ku heshay si xor ah sanadii 2011 isagoo kaga soo biiray markaas Sao Paulo waxeyna da’diisu aheyd 26-jir balse haatan wuxuu qiimahiisa gaaray 30 Malyan Oo Euro oo u dhiganta 24.2 Malyan Oo Pound.
Si Kastaba 29-jirkaan ayaa doonaya inuu ka tago kooxda garoonka Vincent Calderon wuxuuna intaas ku daray in qiimaha ay duldhigtay kooxdiisa kaliya aysan muhiim u aheyn bixitaankiisa.
“Waxaan helay dalabyo kala duwan” Ayuu Miranda u sheegay Radio ESPN.
“Waxaan dalab ka helay kooxo ka dhisan spain iyo England, iyo wadamo kale, wakiilkeyga haatan wuxuu ku sugan yhay Yurub si uu u xaliiyo mustaqbalkeyga, lacagaha lagu jabinayo heshiiskeyga waa 30 Malyan balse gorgortan wuu jiri doonaa”
Joao Miranda ayaan carabaabin kooxda uu dalabka ka helay ee ka dhisan Ingiriiska balse warar sii horeeyay ayaa qorayay in Man United ay ku raad joogto xidigaan si uu u buuxiyo boosaska midkood Ferdinand iyo Vidic.
Miranda ayaa sido kale ka hadlay inuu nasiib u yeelan waayay inuu matalo Brazil koobka Aduunka.
“Waan ka xumahay runtii”
“Waan ka haray anigoo rajeynaya inaan ka qeyb galo Koobka Aduunka, aad ayaan uga xumaaday runtii waxaan ku raaxeystay xili ciyaareed fiican jir ahaan iyo maskax ahaan, waxaana aaminsanaa inaan caawin doono Bazil”
“Waan wadi doonaa nolosha kubada cagta Atletico Madrid ama kooxaha kale ee aan dalabka ka helay, balse waqtigeyga xulka wuu soo idlaaday”