Seddexleey uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa ka caawisay xulka Portugal inay 4-2 kaga talaabsadaan xulka Nothern Ireland kulan ka tirsanaa isreebreebka Koobka Adduunka Qaarada Yurub ee Group F.
Bruno Alves ayaa hogaanka u dhiibay Portugal ka hor inta uusan Nothern Ireland u barbareyn Gareth McAuley. Waxaana dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Portugal casaan toos ah ka qaatay Hélder Postiga.
Bilowga qeybta labaad ayayna Nothern Ireland hogaanka ciyaarta qabatay iyadoo Jamie Ward uu ciyaarta ka dhigay 2-1, waxaana daqiiqado ka dib iyadana casaan ka qaatay Nothern Ireland Chris Brunt taasoo ciyaarta ka dhigtay 10 v 10.
Wixii intaas ka danbeeyayna ciyaarta wax ay noqotay bandhigii Ronaldo, sagaal daqiiqo gudaheed ayuuna labo gool ku dhaliyay isagoo hogaanka ku soo celiyay Portugal islamarkaana ciyaarta ka dhigay 3-2.
Nothern Ireland ayaa casaan kale laga qaatay markii casaan toos ah la siiyay Kyle Lafferty daqiiqadii 80aad ee ciyaarta, seddex daqiiqo ka dibna kabtan Cristiano Ronaldo ayaa dhameystirtay seddexleydiisa oo ciyaarta ka dhigay 4-2 oo ay ku badisay Portugal.
Cristiano Ronaldo ayaana dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee kulan heer caalami ah. Waxa uu Portugal haatan u dhaliyay 43 gool isagoo dhaafay Eusebio oo 41 gool Portugal u saxiixay.
Portugal iyada ayaa haatan hogaanka Group F ku heysa 18 dhibcood, waxaana ay 2 dhibcood ka sareeyaan Russia oo 4-1 ku dubatay Luxembourg, waxaana Portugal ay sii hor ciyaartay hal kulan marka loo fiiriyo Russia.
Waxaa Aqrisay: (63)
Mogadishu - Somalia