Home » Horyaalada » La liga » Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Uga Baxay Tababarkii Real Madrid Ee Ka Hor Kulanka Espanyol

Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Uga Baxay Tababarkii Real Madrid Ee Ka Hor Kulanka Espanyol


CR7

Weeraryahanka Real Madrid ayaa u muuqda mid nasiib daro kusoo afjari doona xili ciyaareedkaan kadib markii nasiino la’aantiisa ay sababtay inuu u nuglaado dhaawac waxaana xidigaan heerka caalami uu mudooyinkii lasoo dhaafay ka xanuunsanayay muruqa lugta.

Si Kastaba Ronaldo ayaa ka baxay tababarkii Real Madrid ee ka hor kulanka Espanyol waxaana xidigaan shaki la galinayaa safashadiisa kulanka isbuuca soo aadan ay kooxdiisa Finalka Champions League la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid oo ay caasimada ku xifaaltamaan.

29-jirkaan ayaa sidoo kale ka walwalsan koobka aduunka ee bilaaban doona June horaanteeda isagoo og inuu hogaamiye u yahay xulka Portugal.

Ronaldo oo dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisa 1-1  la gashay Valodollid ayaan ka qeyb qaadan kulanka Espanyol kadib markii uu tababarka xanuun ku dareemay.

Isco ayaa durba badalay shaxda Ancelotti isagoo booska Ronaldo galay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close