Home » Nolosha Ciyaaryahanka » Cristiano Ronaldo Iyo Noloshiisa Gaarka ah Maxaa Kala socotaa? (+Sawiro)‏

Cristiano Ronaldo Iyo Noloshiisa Gaarka ah Maxaa Kala socotaa? (+Sawiro)‏


cristiano-ronaldo-and-irina-shayk-in-maldives

Markale waxaan maanta dib uga faaloon doonaa nolosha gaarka ah ee xidigaha ugu caansan caalamka waxaana si gaar ah diirada u saari doonaa laacibka aduunka ugu shacbiyada balaaran Cristiano Ronaldo kana tirsan naadiga Real Madrid iyo xulka Portugal, weeraryahankan haatan waa xidiga labaad ee ugu wanaagsan caalamka sidoo kalena waa cayaaryahanka labaad ugu qaalisan dhamaan xirfadleyda kubada cagta sidaa darteed waxaa hubaal ah in noloshiisa gaarka ah xiiso gaar ah leedahay madaaa ay indhaha ku hayan malaayiin taageero ah oo uu caalamka ku leeyahay.

 Spain v USA

Tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo uu kusoo biiray kooxda Man United asigoo aad u dhalin yar wuxuu noqday cayaaryahan laga daba dhacay dunida shacbiyad balaaran ku leh wuxuuna xidigan soo jiitan hablaha ugu caansan caalamka, laga soo bilaabo sanadi 2003 Ronaldo wuxuu xiriiro kala duwan lasoo yeeshay haweeney farabadan waxaan ka xusi karnaa Raffaela Fico (haatan ah Mario Balotelli saaxiibtiis) , Kim Kardashian, Paris Hilton, Mirella Grisales, Letizzia Filippi, Merche Romero, Karina Bacchi, Niki Ghazian, Nereida Gallardo, Imogen Thomas iyo Luana Belletti balse dhamaan hablahaas ma jirto mid ay isku waareen Ronaldo ama qalbigiisa si gaar ah usoo jiidatay ugu dambeyntiina wuxuu ku qancay inuu nolosha la wadaago gabadha lagu magacaabo Irina Shayk.

 Cristiano-Ronaldo-with-Girlfriend-2012-Pictures 02

Ronaldo iyo Irina waxay saaxiibo yahiin tan iyo May 2010 haatan qaa qoys dhameestiran waxaa u joogo wiil labadan lamaane waxayna si rasmi ah isku guursadeen sanadkii hore ee aan kasoo gudubnay, labadan lamaane aadbay isku jecel yihiin inkastoo qoyska Ronaldo ayay marar badan wiilkooda kula taliyeen inuu Irina isaga haro gaar ahaan Ronaldo hooyadiis gabadhan kama hesho waxayna ku nacday inay tahay haweeney inta badn xirato dhar jirkeeda muujinaayo sidoo kalena waxay soo bandhigtaa marwalbo sawiro ayadoo wadato dhar aad u gaab gaaban balse Ronaldo ayaa ka madax adeegay talada qoyskiisa wuxuuna u sheegay inuu Irina aad u jecel yahay.

 Cristiano-Ronaldo-with-Girlfriend-2012-Pictures 03

Irina Shayk waa gabar Super-Model ah una dhalatay dalka Russia sidoo kalena gabadhan waxay hal sano ka yar tahay saaxiibkeed Ronaldo madaama ay 28-jir tahay waxayna ka mid tahay hablaha ugu caansan haweyna dharka xayeysiiyo madaama ay Ronaldo xiriir la leedahay, haatan Irina waxay leedahay hanta farabadan sidoo kalena magac aan la gaari karin ayay leedahay, inkastoo labadan lamaane ay kasoo kala jeedaan dalalka Portugal iyo Russia hadana waxay ku nool yihiin magaalada Madrid ee dalka Spain inta badana waxay xiliga fasaxa gaar ahaan xagaaga usoo safraan xeebaha dalka Talyaaniga.

Cristiano Ronaldo - Irina Shayk

cristiano-ronaldo-with-irina-shayk-in-the-beach

cristiano-ronaldo-with-irina-shayk-pic


3 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Cristiano Ronaldo Iyo Noloshiisa Gaarka ah Maxaa Kala socotaa? (+Sawiro)‏

  1. ayman hassan Reply

    November 17, 2013 at 9:40 AM

    luis suarez noloshiisa gaarka ah soo qora

  2. ayman hassan Reply

    November 17, 2013 at 9:42 AM

    luis suarez noloshiisa gaarka ah warbaxin noogu soo qora

  3. Muse Reply

    April 30, 2014 at 1:14 PM

    Hııl kubad waad salaamantıhıın salaan ka bacdi Ronaldo mahan xidiga labaad ee ugu wanaagsan caalamka waa mıdka kowaad ee ugu wanaagsan caalamka saas dhah ok .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close