Weeraryahankii Hore Kooxaha Blakburn Rovers iyo Liverpool Craig Bellamy ayaa xaqiijiyay Inuu Isaga Fariisan doono Kubada Cagta heerkeeda qaran marka uu soo afjarmo isreeb-reebka Koobka Aduunka ee haatan soconaya.
Weeraryahankaan ayaa ka mid ah xulka Macalin Chris Coleman ee ka qeyb galaya isreeb-reebka Koobka Aduunka ee wadamada Qaarada Yurub waxaana Wales ay heystaan laba kulan oo ay la yeelan doonaan Macedonia iyo Belgium.
Graig Bellamy ayaa markii ugu horeysay xulkiisa qaranka Wales u saftay 1998-dii xili xulka Wales uu kulan saaxiibtinimo la yeelanayay xulka Jamaica, wuxuuna xidigaan saftay 76-kulan oo heer caalami ah.
Xidigaan heerka caalami ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay mudadii uu lasoo qaatay xulkiisa isla markaana uu kasoo mid ahaa wuxuuna sheegay inuu kabaha xulka qaranka siibi doono wixii ka dambeeya labadaas kulan.
“Gabadheyda ayaa igula talisay inaan ciyaarin xitaa kulanka Macedonia balse, go’aankeyga ayaa ah inaan ciyaaro labadaas kulan kadibna aan fariist” ayuu ugu dambeyn yiri.
Profile