Madaama koobka aduunka uu haatan si xamaasad ku dheehan dalka Brazil ugu socdo sidoo kalena la guda galay kulamada labaad ee qaybta Guruubyada waxay quburada aduunka ee ku xeel dheer talo ka bixinta kubada cagta bilaabeen inay dhaliil usoo jeediyay qaar ka mid ah laacibiinta ugu caansan dunida ee tartankan ka qayb qaadanaayo madama ay ku guul dareesteen inay qaa cayaareed wanaagsan soo bandhigaan qaarkood waxaaba lasoo jeediyay in kursiga keydka la galiyo sida Rooney oo kale halka qaar kalena aysan u suura galin inay cayaaraan madaama ay dhaawacyo qabaan sida Suarez oo kale halka qaar kalena hoos u dhaca heesto uu sababay dhaawacyadii iyo daalkii ay ka qaadeen xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday sida Cristiano Ronald, Diego Costa iyo Eden Hazard, hadaba waxaa sadaal laga bixiyay xidigaha tartankan ku fashilmi doonaan, fadlan hoos kaga bogo:
Cristiano Ronaldo 38% waxaa la sadaaliyay inuu Flop ku noqon doono koobka aduunka
Diego Costa: 29% waxaa la sadaaliyay inuu Flop ku noqon doono koobka aduunka
Wayne Rooney: 22% waxaa la sadaaliyay inuu Flop ku noqon doono koobka aduunka
Eden Hazard: 12% waxaa la sadaaliyay inuu Flop ku noqon doono koobka aduunka
Luis Suarez 10% waxaa la sadaaliyay inuu Flop ku noqon doono koobka aduunka