Wiilashii farxsanaa ee Real Madrid ayaa kasoo laabtay farxadii Champions League ee La Decima waxeyna haatan gaaren dalka Portugal iyagoo ku biiray tababarka uu xulka isugu diyaarinayo koobka Aduunka ee Brazil ka qabsoomi doona bisha soo aadan.
Wiilashaan Real Madrid ayaa dadaal dheeraad ah bixiyay sabtidii markii ay aaqirkii xasuuqeen Atletico Madrid inkstoo Pepe uu dhaawac ku seegay hadana xamaasadiisa marnaba kama jeesan ciyaarta.
Wiilasha macalin Bento ayaa isku diyaarinaya diyaar garow xoog leh iyagoo wata xidiga Aduunka CR7 oo doonaya inuu mar kale wacdaro dhigo si loo siiyo Ballon d’Or.
Xiriirka Dalka Portugal ayaana xidigahaan kusoo dhaweyay Lisbon iyagoo maanta si rasmi ah tababarka ula qaatay xulka waxaana la filayaa in ay maraan caafimaad maalmaha soo aadan si ay u muujiyaan bad qabkodoa.
Portugal ayaa ku jira group Holac ah waxeyna group G kula jiraan: Germany, USA & Ghana.