Macalin Paul Bento ayaa magacaabay liiskiisa hordhaca ee koobka Aduunka iyadoo xulka Portugal uu doonayo inuu awood ku muujiyo koobka Aduunka.
Portugal waxey iyagoo liita ka hareen koobka Aduunka 2010 markii ay 1-0 ku lumiyeen kulankii Spain oo aysan soo bandhigin kubad fiican, balse Euro 2012 ayey muujiyeen awoodooda kubada cagta markii rigooreyaal lagu reebay Semi Finalka tartanka iyagoo qasaaro kala kulmay Spain.
Si Kastaba CR7 oo ah xidiga aduunka ayaa hogaaminaya Xulka Portugal oo laga filayo inuu wacdaro dhigo, 30-xidig ayaa lasoo magacaaay waxaana laga dhigi doonaa 23-xidig.
Liiska Oo Dhameystiran:
Goolhayeyaasha: Anthony Lopes (Lyon), Beto (Sevilla), Eduardo (Braga), Rui Patricio (Sporting Lisbon)
Daafacyada: Andre Almeida (Benfica), Antunes (Malaga), Bruno Alves (Fenerbahce), Fabio Coentrao (Real Madrid), Joao Pereira (Valencia), Neto (Zenit), Pepe (Real Madrid), Ricardo Costa (Valencia), Rolando (Inter Milan)
Khadka Dhexe: Andre Gomes (Benfica), Joao Mario (Vitoria), Joao Moutinho (Monaco), Miguel Veloso (Dynamo Kiev), Raul Meireles (Fenerbahce), Ruben Amorim (Benfica), William Carvalho (Sporting Lisbon)
Weeraryahanada: Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Eder (Braga), Helder Postiga (Lazio), Hugo Almeida (Besiktas), Ivan Cavaleiro (Benfica), Nani (Manchester United), Rafa (Braga), Ricardo Quaresma (Porto), Varela (Porto), Vieirinha (Wolfsburg)