Home » Horyaalada » La liga » CR7 Oo Doonaya Inuu Ciyaaro Kulanka Celta Vigo Ee Axada

CR7 Oo Doonaya Inuu Ciyaaro Kulanka Celta Vigo Ee Axada


Rnaldo

Hogaamiyaha kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ciyaaro kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

CR7 ayaa dhaawac kaga baxay kulankii ay kooxdiisa 1-1 la dhaafi weysay Valodollid kulankii ugu dambeeyay horyaalka 8-daqiiqo ayuuna kaliya ciyaaray, balse haatan waaxda caafimaadka ee kooxda Real ayaa shaciyay caafimaad qabkiisa.

Xidigaan reer Portugal ayaa ah haatan hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka Spain isagoo afar gool ka sareeya Lionel Messi & Costa oo isku heer ah xiligaan.

Ronaldo ayaa dhaliyay 31-gool xili ciyaaredkaan, waxaana horyaalka ka dhiman 2-kulan oo qura inkastoo uu hor yaalo kulan culus oo finalka Champions League ah.

Ancelotti ayaa u baqanaya xidigiisa inuu waayo kulanka Finalka waxaana laga yaabaa inuu kursiga keydka galiyo xidigiisa inkasto Ronaldo uu cabsi kaa qabo in Messi uu ka fa’ideysto labadaan kulan inkastoo Costa uu dhaawac yahay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close