Home » Horyaalada » La liga » CR7 Oo Dhaawac Looga Saaray Kulankii Atletico Madrid Ee Xalay & Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay

CR7 Oo Dhaawac Looga Saaray Kulankii Atletico Madrid Ee Xalay & Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay



Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa laga saaray ciyaartii xalay barbaraha ku dhamaatay ee dhexmartay kooxdisa iyo Atletico Madrid lugta koowaad Spanish Super Cup ee ka dhacday Bernabeu.

Ronaldo ayaan qeyb ka qaadan qeybtii labaad, madam auu xanuun yar dhanka muruqa ah dareemay intii ay socotay qeybta hore ciyaarta waxaana lagu badalay James Rodriguez.

Si Kastaba Tababare Carlo Ancelotti ayaa dajiyay niyada Jamaahiirta Los Blancos isagoo qiray inuusan dhaawac weyn aheyn xanuunka soo gaaray xidigiisa.

“Waxbaa ku dhacay, wuxuuna dareemay raaxo la’aan, waxaan qiimeyn doonaa maanta” Ayuu Ancelotti yiri.

“Sida aan qiyaaasayo, maahan wax qatar ah”

Sidoo kale Ancelotti ayaa ka hadlay kulankii xalay barbaraha ku dhamaaday iyo bandhiga wiilashiisa.

“Hadii aan ciyaarno qaab ciyaareedkii xalay aan ciyaarnay oo kale lugta labaad shaki kuma jiro inaan heli doono guusha”

“Kooxda si fician bey u ciyaartay, qeybta hore culeys baa jiray, balse qeybtii dambe ayey wax walba is furfureen” Ayuu yiri tababraha reer talyaanig  ee Madrid leyliya.

Ugu dambeyntii Ancelotti ayaa u sheegay Jamaahiirta in Ronaldo xaaladiisa aysan ka walwalin isla markaana uu ciyaari doono kulamada ugu soo horeeya.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close