Home » Europe » Champions League » CR7, Ibrahimovic & Rues Oo Hogaaminaya Kooxda Ugu Wanaagsan Champions League Xili Ciyaareedkaan

CR7, Ibrahimovic & Rues Oo Hogaaminaya Kooxda Ugu Wanaagsan Champions League Xili Ciyaareedkaan


article-2638187-1E2E9DB000000578-251_634x438

Xili ciyaareedkii 2013/2014 ee tartanka Champions League ayaa lasoo afjaray xalayto kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garonka Stadia Da Luiz ee ku yaala magaalada Lisbon halkaas oo ay isku fara saareen kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid oo ka wada dhisan dalka Spain.

Real Madrid ayaa 4-1 ku xaaqday dariskooda ciyaar la isla gaaray waqtiga dheeriga ah iyadoo Ramos, Ronaldo, Marcelo iyo Bale ay kooxda Los Blancos ka caawiyeen iney Madrid hanato koobkeedii 10-aad ee Champions League.

Goolhayaha da’da yar ee kooxda Atletico Madrid Thibaut Courtios ayaa goosha la galiyay sidoo kale Miranda iyo Filipe Luis oo ka tirsan Atletico ayaa ku jira liiska.

Gooldhaliyaha xili ciyaareedka CR7 kaas oo 17-gool ku qaaday kabta dahabka gooldhalinta horyaalka qaarada yurub ee Champions League ayaa weerarka ku wehliya wiilka jooga dheer ee reer Sweden Zlatan Ibrahimovic waxaana lamaan la ah Marco Reus oo ah mashiinka Dortmund.

Dhanka kale Daafaca Blues Bransilav Ivanovic, kubad sameeyaha reer Croatia Luka Modric ee Real Madrid ka tirsan, xidiga reer Argentina ee Real Madrid Angel Di Maria ayaa iyagana liiska ku jira.

Kabtan Lahm ayaa dhexda lagu soo daray iyadoo geesiga Real Madrid Sergio Ramos uu daafaca hogaaminayo.

UCL

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close