Xidiga Aduunka Cristiano Ronaldo ayaa rikoor hor leh ku talaabsaday xili ciyaareedkaan markii uu 17-gool dhaliyay 11-kulan oo uu ciyaaray Champions League.
Ronaldo oo laba jeer heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa xalay u dabaal dagay goolkiisii 17-aad isagoo rigoore ka dhaliyay Atletico Madrid waqtigii dhimashada ee daqiiqadaha dheeriga ahaa.
Waa Rikoor Sare mana jiro xidig ebid dhaliyay 17-gool hal xili ciyaareed Lionel Messi ayaa ugu soo dhaw kaas oo 14-gool dhaliyay xili ciyaareedkii 2011/2012.
Sidoo kale Ronaldo ayaa dhaliyay 68-gool dhamaan kulamadii uu soo ciyaaray Champions League waqtigiisa isagoo ah xidiga labaad ee ugu goolasha badan Tartankaan 3-gool ayuu ka hooseeyaa Raul oo ah halyeey hore oo Real Madrid ka tirsan kaas oo dhaliyay 71-gool.
Sidoo kale Lionel Messi ayaa leh 67-gool.
DAAWO17-KA EE RONALDO: