Home » Latin America » Colombia Oo Si Awood Ku Dheehan Cagta Ku Mariyeen Dhigooda Greece

Colombia Oo Si Awood Ku Dheehan Cagta Ku Mariyeen Dhigooda Greece


Colombia

Xulka Colombia ayaa koobka aduunka daah fureen guushoodii ugu wanaagsaneed ebid waxayna 3-0 ku suul daareen dhigooda Greece oo kulankan awood dheeraad ah loo sheegtay, cayaartan ka tirsaneed qaybta C ayaa ku bilaabatay si dagan balse si guud waxaa maamulka ula wareegeen xidigaha reer Koonfur Ameerika waxaana goolkii ugu horeeyay Colombia u dhaliyay Pablo Armero cayaarta oo 5-daqiiqo socoto.

Great start: Pablo Armero got Colombia off to an early lead in their Group C victory against Greece

Qaybtii hore ee kulankan waxaa lagu kala nastay 1-0 oo balse markii la isku soo laabtay Colombia hogaankeeda ayay dheereesatay waxaana cayaarta 2-0 ka dhigay Teofilo Gutierrez daqiiqadii 58-aad xidigan weerarka ka cayaaro, inkastoo Greece ay dadaal badan muujiyeen hadana waxaa suura gali weesay inay iska soo gudaan labada gool ee looga naxsaday waxayna reer Greece aamineyn in guuldaradii 6-aad ay ku dhacday 7-kulan oo ay cayaareen taariikh ahaan koobka aduunka balse waxaa madax xanuun kusii riday xidiga laga daba dhacay James Rodriguez kaasi oo naadiga Monaco ka tirsan kubad sameeyahan ayaa daqiiqadii lagu daray cayaartan ka dhigay 3-0 waxayna noqotay guushaan midii ugu weyneed oo ay Colombia koobka aduunka ka helaan.

Pure joy: Gutierrez celebrates his first goal at this summer's World Cup as Colombia win in Belo Horizonte

Xaqiiqo la xariirto kulankan:

Colombia Xidigaha u safnaayeen: Ospina, Zuniga, Zapata, Yepes, Armero (Arias 74), Sanchez Moreno, Aguilar (Mejia 69), Rodriguez, Cuadrado, Gutierrez (Martinez 76), Ibarbo.

Greece xidigaha  safnaayeen: Karnezis, Manolas, Torosidis, Papastathopoulos, Holebas, Maniatis, Katsouranis, Kone (Karagounis 78), Salpingidis (Fetfatzidis 57), Gekas (Mitroglou 64), Samaras.

Waxaa kulankan xiisaha badan usoo daawasho tagtay: 57,174 oo taageero ah

Three and easy: James Rodriguez (centre) completed the scoreline with an injury-time goal for Colombia

Hopes of a nation: Rodriguez (centre) celebrates his goal in front of the fervent Colombian supporters

Sorely missed: Injured talisman striker Falcao was cheering Colombia on in the Estadio Mineirao


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close