Home » Horyaalada » Bundesliga » Claudio Pizarro Oo Heshiiska U Kordhiyay Bayern Munich

Claudio Pizarro Oo Heshiiska U Kordhiyay Bayern Munich


Claudio Pizarro

Kooxda Bayern Munich ee ka dhisan Bundesliga ayaa website-keeda gaarka ah ku cadeysay in Claudio Pizarro uu hal sano heshiis dheeraad ah u saxiixay kooxda Allianz Arena ku ciyaarta isagoo kooxda kusii sugnaan doonaa ilaa June 2015.

Halyeeygaan ayaa heshiiska uu kula joogay Bayern Munich uu ku ekaa bisha June ee soo aadan inkastoo aan la fileyn inuu sii joogi doono koxoda.

Si Kastaba 35-jirkaan ayaa hal sano oo dheeraad ah lasii joogi doono madama uu dooqa labaad u noqon doono Robert Lewandowski oo kooxda Bayern kaga soo biiray Dortmund inkastoo shaki la galinayo mustaqbalka Mandzukic ee kooxda difaacaneysa horyaalka Jarmalka.

“Claudio wuxuu na tusay xiligaan sida uu muhiimka noogu yahay aad baan ugu faraxsanahay inuu sanad kale nala sii joogo” ayuu Gudoomiyaha Bayeern CEO Karl-Heinz Rummenigge ku waramay.

Pizarro ayaa Bayern dib ugu soo biiray 2012 isagoo ka yimid Werder Breman madama uu xidigaan 6-sano horay ugu soo qarash gareeyay kooxda mudadii u dhaxeysay 2001-2007.

Pizarro ayaa dhaliyay 10-gool, 17-kulan oo Bundesliga uu saftay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan sanad kale usii ciyaaro Bayern, ma jiro koox ka fiican aduunka aniga ahaan”

“Waxaan heysanaa koox fiican, waxaana u dagaalami doonaa inaan koob ku guuleysano xiliga soo aadan”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close