Kadib markii uu garoomada ka maqnaa mudo bil ah kubad sameeyaha xulka Italy Claudio Marchisio ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Juventus waxaana xidigan lagu daray xidigaha maanta ka hortagi doonaan naadiga Verona, laacibkan ayaa ku faraxsan inuu dib usoo kabtay haatana awoodo markale inuu kooxdiisa kasoo muuqdo, soo laabashada
27-jirkan waxaa siweyn usoo dhaweeyay macalin Antonio Conte oo sheegay in Marchisio uu kooxdiisa wax weyn kusoo kordhin doono, xidigan khadka dhexe ka cayaaro ayaa ku dhaawacmay Super Cup-ka dalka Talyaani kulan Juve 4-0 ugu awood sheegatay naadiga SS Lazio bartamihii bishii August ee aan kasoo gudubnay.
Balse waxaa siweyn loo hadal hayaa in macalin Conte uu Marchisio booskiisa usoo celin doono waayo xidigan haatan waxaa khadka dhexe ka xirtay Paul Pogba oo kusoo baxay mashiinka Juve hadaba Marchisio markale ma heli doonaa fursad uu garoon ku galo, dhanka kale xidigan hoos ku qoran ayuu tababare Conte kulanka Juve Vs Verona u xushay:
Buffon, Chiellini, Ogbonna, Pogba, Marchisio, Vucinic, Tevez, De Ceglie, Giovinco, Peluso, Llorente, Barzagli, Motta, Bonucci, Padoin, Pirlo, Asamoah, Vidal, Lichtsteiner, Quagliarella, Storari, Isla, Citti