Home » Maxaa Cusub » Clarence Seedorf Oo Si Lama Filaan Ah Loola Xiriirinayo Shaqada Tababaranimo Ee Inter Milan

Clarence Seedorf Oo Si Lama Filaan Ah Loola Xiriirinayo Shaqada Tababaranimo Ee Inter Milan


Seedorf

Waxaa Jira warbixino layaab leh oo kasoo baxaya dalka talyaaniga kuwaas oo ay saakay qoreen wargeysyada gudaha dalka talyaaniga kasoo baxa waxeyna la xiriirtaa sheekadaas Seedorf oo laga yaabo inuu shaqo ka helo kooxda Inter Milan.

Macalinkaan reer Dutch ayaa shaqada kooxda Ac Milan ka badalay Massimiliano Allegri bishii January ee sanadaan balse, albaabka ayaa la tusay afar bilood kadib markii uu kooxda u hogaamiyay iney ku dhameysato kaalinta 8-aad, sidoo kalana ay awoodi weyso iney kasoo muuqato dhamaan tartamada yurub xiliga soo aadan.

Seedorf ayaa kooxda Milan laga ceyriyay iyadoo Pippo Inzaghi uu noqday shaqsiga ka badala shaqadaas, balse Corriere della Sera ayaa cadeysay in kubad sameeyihii hore xulka Holland iyo Kooxda Milan uusan ku faraxin qaabka loola dhaqmay isla markaana wuxuu diyaar u yahay inuu dhageysto dalabka Inter Milan.

Wargeysyada warbixinta qoray ayaa aaminsan in milkiilaha Inter Erick Thohir uu doonayo inuu ka taqaluso tababare Walter Mazzari kaas oo bilow xun ku bilaabay xili ciyaareedkii dhamaaday goor hore waxaana laga yaabaa in laga ceyriyo Inter.

Ganacsadahaan reer Indonesia ayaa keenay fursad uu kula hadlo Seedorf kaas oo doonaya inuu ka hor keeno kooxdiisii Milan inkastoo Seedorf qudhiisa uu Inter xili kasoo muuqday.

Qaar ka mid ah maamulka kooxda ayaa xiriir wanaagsan la leh Seedorf sida: Javier Zanetti iyo Pietro Ausilio kuwaas oo kooxda kusoo jiidi kara Clerence Seedorf.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close