Guddiga Dihsibiliinka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa ganaax dul-dhigay Naadiga Banaadir S.Club oo ka cayaarta horyaalka Nationlink Championship ee dalka Soomaaliya kaddib markii ay ku kacen Taagerayaasha kooxda B.S.C falal ka dhan ah xeerarka kubada cagta dalka iyo Kan caalamiga ah intaba.
Sidoo kale waxa digniin adag loo soo jeydiyay maamulka Naadiga Banaadir S.Club in ay taageerayaashooda ku wacyi geliyaan kana joojiyaan garoon dhagax tuurka ay caadeysteen taasoo ka mamnuuc ah Xeerarka Kubadda Cagta.
Go’aankan adag ayaa lagu qaatay shir muddo saacado ah socday oo maanta uu yeeshay guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, kaddib markii uu dhageystay guddiga fulintu warbixintii guddiga tartamada iyo warbixin uu isna soo gudbiyay xeer ilaaliyihiin cayaar dhex martay naadiyada Banaadir S.Club iyo Jeenyo United 2dii bishii aynu soo dhaafnay cayaartaas oo tirsigeeduna ahaa number 37 kana dhacday garoonka Banaadir ee Muqdisho.
Haddaba, Shir ay yeesheen Guddiga Fullinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta qiimeyna ku sameeyeen ciyaarta kor ku xusan.
Markuu Qiimeyn ku sammeeyey Ciyaarihii ay ciyaari jireen Naadiga B.S.C. iyo hab dhaqanka Taageerayaasha kooxda
Wuxuu go’aansaday:
inay wacyi galiyaan talaabo adag ka qadaan taageerayaashooda kana
joojiyaan garoon dhagax tuurka ay caadeynteen taasoo ka mamnuuc ah k/cagta
– Mahadsanidiin –
Waxaa wareegtadan ku saxiixnaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Xasan Maxamed Maxamuud (xasan fareey).