Home » Maxaa Cusub » Ciyaarinahan Loogu Hanjabay In La Qali Doono Hadii Uu Xulkiisa U Matalo Koobka Aduunka

Ciyaarinahan Loogu Hanjabay In La Qali Doono Hadii Uu Xulkiisa U Matalo Koobka Aduunka


Great expectations: Young midfielder Ross Barkley has burst on to the scene with Everton this season

Qalalaasaha iyo dhibaatooyinka ciyaartoyda ka qeyb galeysa koobka  ayaa isi soo taraya iyadoo ay la kulmayaan hanjabaadyo loo soo dhigayo bogagga is dhexgalka bulshada ee Twitterka iyo Facebook.

Dhamaadkii sanadkii hore waxaa lagu qalay dalka Brazil ciyaariyahan hore oo u dhashay dalka Brazil, waana dhaqan caadi ka ah Brazil iyo Latin America marka ay timaado in la is waxyeeleeyo.

Da’yarka Xulka Ingiriiska iyo Kooxda Everton Ross Barkley ayaa halis ugu jira inuu codsi u gudbiyo xiriirka FA-ga isagoo ka codsan doona inaan lagu darin liiska 23-ka xidig ee Xulka England kaga qeyb galaya koobka Aduunka madama xidigaan heerka caalami loogu hanjabay in la qali doono hadii uu yimaado dalka Brazil.

Mustaqbalka ciyaariyahankaan Everton ayaa soo ifaya iyadoo la filayo inuu koobka Aduunka u matalo xulka England balse arintaan ayaa cabsi galineysa xidigaan iyadoo walidkiisna aysan wali ka hadlin.

Arintaan ayaa walwal ku abuureysa xidigaha aduunka ee ka qeyb galaya koobka Aduunka kaas o bisha June sanadkaan ka bilaaban doona Brazil.

 

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close