Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Xaqiijisay Iney Taalo U Dhisi Doonto Halyeey Mudo Usoo Ciyaaray, Waa Kuma?

Chelsea Oo Xaqiijisay Iney Taalo U Dhisi Doonto Halyeey Mudo Usoo Ciyaaray, Waa Kuma?


Chelsea Training & Press Conference

Kooxda Chelsea maalinta berito ah waxay la cayaari doontaa kulankeeda ugu dambeeyo Premiership-ka naadiga Cardiff City dabcan kulankan kadib xidiho badan oo Blues ka tirsan ayaan la filan doonin inay xili cayaareedka dambe garoonka Stamford Bridge kasoo muuqdaan sida darteed macalin Jose Mourinho ayaa si gaar ah uga hadlay guulaha iyo waxqabadka Frank Lampard oo la filaayo inuu Chelsea macsalaameyn doono wuxuuna macalinka reer Portugal ka dhawaajiyay in Lampard shaqada uu Chelsea u qabtay la heli doonin qos soo dhaweeyo iskaba dhaaf in la helo cayaaryahan buuxin karo sidaa darteed Jose ayaa ugu baaqay maamulka Blues inay taalo xasuus leh loo dhiso Lampard!

Jose Mourinho oo ka hadlaayo xaalada Lampard wuxuu yiri “tan iyo markii aan Chelsea ka mid noqday Frank waxba nagama hagranin wuxuuna ku leeyahay kooxdan taariikh aan lasoo koobi karin sidaa darteed waa hubaa in maalin u taalo qurux badan loo taagi doono waxaana codsan lahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan taaaladaas loogu dhiso” inkastoo Lampard la sagootin doono hadana macalin Jos Mourinho wuxuu saxaafada u sheegay in ruug cadaagan uusan kooxdiisa u safan doonin madaama uu xanuunsan yahay sidoo kale Samuel Eto’o iyo kabtan John Terry kulanka Cardiff City masoo xaadiri doonaan madaama ay dhaawacyo kala duwan qabaan waxaana xaqiijiyay maqnaan shahooda macalin Mourinho.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close