Wajiyada cusub kooxda ayaa kasoo muqanaya liiskan waxaana ay yihiin kuwa uu macalin Mourinho u doortay inuu soo magacaabo gaar ahaan labada wiil ee kala ah , Willian iyo Sameul Eto kuwaas oo ah laacibiinta xagaagan ay soo iibsatay naadiga Chelsae.
Kooxda ayaa ku jirta Group E iyadoo ay kula jiraan naadiyada kala ah Schalke, Basel iyo Bucharest loona aqoonsaday Bleuska inay heshay boos iska tartiibso ah.
Waa kuwan liiska xidigaha Chelsea matali doona Champions league-ga.
Goolhayeyaasha: 1 Petr Cech, 23 Mark Schwarzer, 46 Jamal Blackman.
Daafacyada: 2 Branislav Ivanovic, 3 Ashley Cole, 4 David Luiz, 24 Gary Cahill, 26 John Terry, 28 César Azpilicueta, 34 Ryan Bertrand.
Qadka dhexe: 7 Ramires, 8 Frank Lampard, 11 Oscar, 12 John Obi Mikel, 15 Kevin De Bruyne, 16 Marco van Ginkel, 17 Eden Hazard, 22 Willian.
weerarka: 9 Fernando Torres, 10 Juan Mata, 14 André Schürrle, 19 Demba Ba, 29 Samuel Eto’o