Naadiga Blues oo laga warqabo inay suuqa Yurub ka baadi goobeyso weeraryahan tayo wanaagsan ayaa haatan u weecatay sidii ay kusoo xero galin laheed xidiga ugu muhiimsan kooxda Inter Milan sidoo kalena mustaqbal wanaagsan ku leh kubada cagta Mauro Icardi, sida laga soo xigtay Fichajes.com kooxda Chelsea ayaa saraakiil u dirtay magaalada Milan si ay dhigooda Inter wada xaajood ul furaan, Chelsea waxay lasoo saxiixan doontaa oo la hubaa inay Stamford Bride Diego Costa sidoo kalena kooxdan awooda badan waxay dooneysaa Icardi oo 21-jir ah inay ka garab cayaarsiiso madaama wiilkan uu tayo wanaagsan sidoo kalena aad ugu awood badan inuu kubada ku weerar galo.
Waxaa laga wada warqabaa in Chelsea ay fasixi doonto ugu yaraan labo ka mid ah weeraryahanadeeda kala ah Fernando Torres, Demba Ba iyo Romelu Lukaku sidaa darteed macalin Jose Mourinho ayaa doortay Icardi in loo keeno wuxuuna xidigan dhalinta yar ku amaanan yahay sida uu kooxda Inter Milan ula qabsaday asigoo u saftay 22-kulan wuxuuna u dhaliyay 9-gool Serie A-da xidigan ayaa kusoo caan baxay naadiga Sampadoria waxaana naga xasuusin ah in dhawaan ay kooxda Inter Milan ay si toos ah ula wareegtay milkiyada 21-jirkan waxaana suuqa Yurub qiimo ahaan uu ka joogaa 25-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay Chelsea bixin karto.